Usbuucyada ugu horeeyo ee jarmalka: maxaan sameeyaa?

Waxaa ku timid barnaamijka dib u dajinta ama banii aadamnimada ee qaramada midoobay laguna keenay wadankan jarmalka waxaad doonaysaa inaa fahanto su,aalo badan ama aad fikiraysaa .xagee ayaan ku noolaadaa ? ballamaha oogu horreeyo ee la iga rabo inaan xaadiro maxeey yihiin?waraaqo noocee ayaan dalbanayaa? Yaa i cawinaayo?

Usbuucyada kuugu horreeyo magaalada lagu dajiyo ee aad ku cusubtahay waxaa lagaaga baahanyahay xafiisyo dawladeed oo kala duwan inaad iska soo qorto ,iyo inaad codsato waraaqo badan oo caawinayo sidii wadanka aad ugu nolaan lahayd!!

© UNHCR/Sebastian Rich

waxaa nahay urur samofal oo loo yaqaani Caritas, ma rabtaa bilawga kuugu horeeyso inaad heshid caawinaad boggeena internetka . halkaan waxaad ka heli kartaa warbixinni faro badan iyo muuqaalo iyo waliba dukumintiyo ku qoran luqad caribaga kuwaa soo kuu qeexayo waxyaabo ku saasabsan qaab mololeedka

Magalaada lagu geeyo waxaa ku yaalo xafiis qaabilsan la tilinta muhaajiriinta loona soo gaabiyo (MBE) ,kaasoo ku siinayo macluumaad si kalsooni leh waana lacag la.aan . waxaad magaaladaada xafiiska aad ku raadin kartaa qaab onlile ah ama qaab App ah oo ay ay leeyihiin dadka ka shaqeeyo sozialka waana mareegtantan halkanhoose kaaga muuqato

(https://www.mbeon.de/ar/home/)

© UNHCR/Gordon Welters

Waxaan ognahay inaad wado dheer oo xanuun badan inaad soo qaadday ooaad ka soo gudubtay . fadlan ka fikir waxad aad hadda gaaratay iyo waxa aad rabto mustqbalka inaad gaarto, sidaad darteed deutschland (jarmalka ) waxa uu ku siinayaa fursado badan xaalado wanaagsan , wadanka jarmalak waxaa lagaaga baahanyahay waraqqo badan inaad buuxiso kuwo badanna inaad codsatid. Bilaawga arrintaan ma aha mid sahlan, lakin waxaad heli kartaa wado fudud ama xal aad kula dhaqanto arrimahan . xafiisyada jarmalka waxa ay u baahanyihiin dhowr usbuuc si ay uga shaqeeyaan waraaqahaada ,arrintaasi waa caadi . fadlan dulqaad yeelo. Hana walwalin oo haka cabsanin soo daahiddda waraaqaha.

Muuqaal ka hadlayo khibrad

Muuqaal tilaabooyinka ugu horeyso

Tusmo tillaabooyinka ugu horeyso

Tusmo maxan xaq u leeyahay

Tusmo maxaan xaq u leeyahay

Moowduucyada 1 illaa 8 waa tilaabooyinka labada usbuuc ee ugu horeeyso ee meesha lagu dajinaayo magaalada lagu geeynayo waana muhiim

1. Ka socdaalid friedland

Waxaa qiyaastii 14 beri ka dib, bas lagaaga soo qaaday friedland , gobol walba waxaan la siin doonaa hal ama labo bas , sida sharciga ah waxaa lagula soo qaadayaa si wada jir ah qoysas kale ,kuwaaso si isku mid ah wadanka ku timaadeen .
Maalinka aad soo safraysaan waxaa la idin siinayaa waraaqihii ama passport-yadii la idin ka qaaday markii aad imaanaysay friedland ,waraaqaha iyo dukumintiyada waxaa la idinku siin doonaa baqshado ayaga oo ku jira .tani waxa ay u dhacaysaa si automatik ah, fadlan si fiican ooga taxadar waraaqaha laguu dhiibay , aad ayay u adagtahay sidii dib loogu soo saari lahaa . fadlan tusi baqshad qofka ku qaabilayo ee aqalka dowladda hoose ee magaalada cusub ee lagu geeynayo

Dukumintiyada soo socdo ayaa ku jiro baqshadda laguu dhiibayo

  • goaankii qaadashada ee laanta socdaalka iyo qaxootiga ee wadankan iyo ogolaashaha joogitaanka faqrada §23 II AufenthG oder §23 IV AufenthG waxeey ka koobanyihiin dukumiti dhowr bog ah iyo sawiro iyo calaamado ka muuqanayo oo astaan u ah xafiisyada dhinaca midig kor
  • passport ama dukumiti lagu safro kaa soo ay saarantahay fiiso ama haddii aadhaysatoo ogolaasho .inta bada fiisahaas waa sedex bilood
  • dowlad goboleedyada qaar sida ( niedersachsen .iyo nordrhein-westfalen) ogeysiinta meelaynta kumuunaha ayaa khuseeyso
  • cadeynta-xuquuqnimo ee ogalaanayso qofka inuu ka qeyb qaadan karo koorsada is dhaxgalka
    waraaqda koowaad ee codsiga oola buuxiyay ALG 2 ayada oo ay ku taalo taariikhda shakhsiga wdanka soo galay
    waraaqaha cadaynta daawooynika iyo waxyaabha ku saabsan dhakhtarka ee wadanka aad ka timid. Iyo haddii aad waraaqo ka haysato IOM ta caddeyn dhakhtarnimo waxaad u dhiibaysaa dhakhtarka aad u tagi doonta ee magaaladaada

© UNHCR/Gordon Welters

2. gaaritaanka dagmada ama kumuunaha

Marka aad gaarto dagmada ama kumuunaha waxaa lagu geyn doonaa aqalka dowladda hoose ama meesha kuu sii khaaska ah ee dagmada, dhamaan dukumintiyada lagaa soo siiyay friedland ama intii meesha aad joogtay xafiiska uu kaa hayay waxaad u dhiibaysaa bas wadaha

Meesha lagu dajinayo waxaa ka shaqeynayo kumuunaha , waxaa suurto gal ah in horey guri ad ku noolaatid horey lagaaga helo . dhinaca waxaa macquul ah in lagu geeyo meel dad badan kuwada noolyihiin . haddii guri khaas ah lagu geeyo iyo haddii meel lagu wad noolyahay lagu geeyaba waxaad saxiiaysaa cadeyn heshiiska kirada meeshaas . waayo waraaqdaas waxeey miuhiim u tahay xafiisyada aad booqan doonto .fadlan mar walba ka taxadar ciwaanka cusub ee hadba aad joogtid marka aad waraaqaha buuxinaysid , markaad rabtid inaad guurtid waxaad ogeysiinaysaa sida ka muuqata qodobka 15 aad bogga internetka ee guri raadiska

Fikrad ahaan waa iska caadi . inaad si iskaa ah aad guri u raadsato , waxaa muhiim ah jobbcenterka ku qaabilsan inaad weydiiso guriga laguu ogolyahay baaxadiisa iyo qiimaha laguu ogolyahay in lagaa bixiyo , degmo walba waxa ay leedahay qaanuun u gooni ah ,waayo meelaha qaar guryaha waa qaali meelah qaarna waa raqiis , markaad guuraysid waa inaad ogeysiisa qofka ku qaabilsan ee jobbcenterka ama sozail-ka . fadlan saxiix heshiiska kirad guriga ka dib markii ay kuu oglaadaan jobbcenterka ama sooshiyaalka .degmo walba ayada ayaa go,aansanayso in ay kuu habeeyaan af celiye am turjumaan , kuwaaso maalinka kuugu horeeyo meel walba kuu raacayo . sidoo kale waa inaad ku talo gashaa meelah qaar in aysan jirinba oo aad kaligaa aadeyso xafiisyad aad u baahantahay

3 . xafiiska is diiwaan gelinta / aqalka dowladda hoose

Qof walba inuu is diiwaangeliyo waa arrin qaanuuni ah qof walbana waajib ku ah , ama ha ku cusbaado ama meel kale ha ka soo guuro . waa waajib . waa in labo usbuuc gudahood aad isku diiwaan gelisaa , is diiwaan gelintu waa lacag la,aan xafiisku is diiwaan gelinti waa xafiiska loo yaqaano xafiiska dadweynaha ama meelah qaar waxaa loo yaqaanaa aqalka hoose (Rathause)
Xafiiska is diiwaan gelintu waxaad ka helaysaa cadyn sidiiwaan gelin

Waxyaabahaan soo socdo ayaa lagaaga baahanyahay xafiiska is diiwaan gelinta

  • Caddeyn qofka aad tahay sida (pass. Caruurta ka yar 16 cadeyn dhalasho )
  • Cadeynta guriga aad degantahay
  • Waraaqdii is diiwaangekinta oo buuxda
  • Waraaqaha guurka iyo kuwa dhalashada oo tarjuman

© UNHCR/Gordon Welters

4 . xafiiska ajaanibta

Xafiiska ajaanibta waxa uu qaabilsanyahay inuu qeybinta ama bixinta degnaashaha . iyo dheereynta qofka ay degenaanshaha ka dhacday.
Usbuuca kuugu horeyso waa inaad ka dalbataa codsi in lagu siiyo degenasha

Xafiiska ayaa ka shaqeynayo codisigaada waxaana ay ku siinayaan degenaansho 3 sano ah erey bixin ayaa jiro loo yaqaano degenaanshaha jarmal ahaan waana „auswies“ waxaad heli doontaa dhowr usbuuc ka dib ama biloyin kaarka degenaansha waana kaar la eg sida midka bangiyada ay bixiyaan oo uu ka muuqdo sawirkaada
Dadka ku yimid dib u dejinta ee ka soo jeeda wadamada masar iyoobiya kenya jordan lubnaan iyo niger waxeey helayaan sharciga faqradiisu ay tahay § 23 Abs. 4 AufenthG.
Dadka sida banii aadamnimada ah lagu soo qaaday ee laga soo qaaday turkiga ayagana waxa ay helayaan sharciga faqradiisu tahay § 23 Abs. 2 AufenthG erteilt.

4.ballamada xafiiska ajaanibta

Ballan qabsashada xafiiska ajiinibta weey kala sharciyo duwanyihiin meelba meesha kale , waxaa laga yaabaa in wakhti dheer aad ballanta sugo sida usbuucyo
Si aad degnaanshahaada u codsato waxaa khasab maalinkaas inaad xaadir tahay adigu , dhamaan qoysku ballantan weey xaadirayaan , weey tagayaan wixii ka weyn lix sano 6,
sababta waxaa waaye faro ayaa laga qaadayaa taasoo lagu keydinayo aqoonsiga qofka loo soo saarayo . aqoonsigu waa in uu ka soo baxaa xafiisyada loogu talo galay , sidaas darteed isla maalintaas ma qaadan kartid
isla maalinkaas waxa aad helaysaa waraaq cadeynaysa inaad dalbatay degaanshadaada loona yaqaano fikitoinsbescheinigung , markii uu kuu soo baxo 4 ilaa 8 usbuuc ka dib waxaad la tagaysaa cadeyntii lagu siiyay ka dibna waad soo qaadanaysaa cadeytana waa laaa qaadayaa .
sidoo kale xafiiska ajaanibta waxa uu ku weydiinayaa wadanka inaad ku imaatay ama la soo gashay baasaboor wadankaada ah , haddii aad haysato baasanboor waa inaad tustaa , khasab ma aha inaad ooga soo tagto waa inaad tusto oo kaliya.

Haddii aad baasaboor wadankaada ah wadato waxaa lagu siinayaa daganaasho la eg inta baasaboorkaada ka dhiman , tusaale ahaan haddii baasaboorkaada dhicidiisu ay ka dhimantahay ay ka dhimanyahay 2 sano waxaa lagu siinayaa daganaasho 2 sano ah , marka aad rabto in laguu dheereeyo daganaashaha waa inaad codsataa inta aysan dhicin ka hor , sidoo kale waxa uu ku weydiin doonaa xafiiska ajaanibta inaad ka codsatid safaaradaada in laguu cusbooneysiiyo baasaboorkaada ,wixii faahfaahin ah ee arrintaan ku saabsan fadlan kala xariiri meelaha dadka lagala taliyo ee arimahaan qaabilsan .
Haddii ay macquul ahayn in safaaradaada lagaaga soo saaro baasaboor waxaad codasankartaa baasaboor aad ku safarto oo loogu talo galay ajaanibta ,
xafiiska waxaa laga yaabaa inuu ku siiyo ama uu kuu diido labadaba weey dhici kartaa , waa inaad cadeysaa oo aad tustaa in aysan macquul ahayn safaaradaada inaad ka dalbato baasaboor waana kugu waajib ,
haddii aad u baahantahay macluumaad dheeraad oo arrintan fadlan la xariir xafiisyada la talinta ee qaabilsan arrintaan

waxyaabahan soo socdo waa inaad la imaataa xafiiska ajaanibta

  • Go,aankii aqbalaadaada ee laanta qaxootiga ee loo soo gaabiyo BAMF
  • Baasaboor ama waraada aad ku soo safartay oo ay la socoto fiisaha
  • Afar sawir oo cusub
  • Cadeynta is diiwaangelinta meesha aad degantahay
  • Waraaqda codsiga deganaanshaha oo buuxda ama la buuxiyay
  • Cadeynta caymiska caafimaadka iyo waraaqda caydha
  • Heshiiska kirada guriga aad degantahay wraaqda cadeynayso

macluumaad kale oo dheeri ah marka lagu siiyo deganaasha waxaa kaloo laguu sheegayaa meesha aad ku noolaan lahayd iyo meesha laguu ogolyahay inaad ku noolaato . waxaa jiro sharciyo u yaalo wadankan ee qaxootiga waxaa mararka qaar dhacdo in meel lagu waajibiyo inaad dagenaato , haddii aad rabto inaad ka guurto meeshaas , fadla si ffica u akhri qodobka 15aad ee guri raadinta .

sida xafiisyada kale ee wadanka jarmalka xafiiska ajaanibta waxaa lagugu waajibiyay inaad la shaqeyso
marka laguu soo diro ballan waa inaad xaadirtaa oo aad tagtaa haddii aadan tagi karin waa inaad cadaysaa sababta aadan u tagi karin
waajibaadka waxaa ka mid noqon kara : tusaale ahaan in lagu weeydiiyo inaad heli karo baasaboor wadankaada ah haddii aadan heli karin waa inaad u cadeysaa sababta aadan u heli karin ayada oo qaraal ahaan waa inaa la wadaagtaa xafiiska ajaanibta ka dib hey adda ajaanibta ayaa go,aan kaa gaareyso in ay ku siiso baasboor aad ku safrto iyo in kale

5. jobcenter sozialamt

Laga bilaabo maalinka ugu horreeyso soo gelitaankaada waxaad xaq u leedahay xuquuq dhaqaale kaasoo loo yaqaano SGB II ama SGB XII
Taasoo ah lacag laguugu soo dirayo bangigaad iyo in la bixiyo caymiskaada caafimaad iyo waliba meesha lagu dejinayo marka oogu horeeyso in la bixiyo lacagteeda

Maalmaha ugu horeeyso soo gaaritaankaada friedland waxaad is baranaysaan shaqaalaha rag iyo dumarba leh ee ka shaqeeyo xafiisyada , kuwaasoo idin hordhigi doonaa ama idin siin doona codsiyada dalabka , fadlan saxiixa dalabka ka dib marka la idii xawilo meelaha aad ku noolaan doontaan ku wareejiya dadka idin qaabilsan ee joogo xarumaha shaqada (jobcenterka)

Qof walba waxa uu ku heli doonaa friedland lacag dheeraad ah oo 20euro ah tusaale ahaan qoyska ka kooban 5 qof wax ay heli doonaan 100 taasoo ay ugu gadi radaan caruurtooda haddii ay rabaan macmacaan iyo wixii la mid ah

Wadanka jarmalka waxa ku qaabili doono labo meelood mid ka mid ah oo la kala yiraahdo xarunta shqada (jobcenter ) ama meesha dadka laga caawyio loona yaqaan sooshiyaal (sozialamt)

Xafiiska laga dhaqaaleeyo bulshada waxaad ka dalban kartaa waxa loo yaqaano gaboowga ama qofka marka uu gaaro 65 sano , ama haddii aad qabto xanuun ay macquul ahayn inaad shaqayso .sidaad darteed dad badan oo wadnkaan ku yimid dic u dejin waxeey wax ka codsadaan meesha looyaqaano joobsenterka ama xarunta shaqada, dadka ka shaqeeyo arrimaha bulshada ayaa weydiin kartaa meesha ku qaabilsan ine tahay joobsenter ama sooshiyaal

Meesha cusub ee lagu keenay ayaad ka ogaan doonta in sooshiyaal ku qaabilsanyahay iyo in joobsenter ku qaabilsanyahay dalabka lacangta waxa uu qaadan karaa usbuucyo inta ka horeeyso haddii aad u baahto lacag waxaa lguu siisinayaa lacag hormaris ah .

Joobsenter / xarunta shaqada

halkaan waxaad ka dalban kartaa lacag dhaqaale ah sharci ahaan loo yaqaano SGB 2 tani waxaa loo yaqaanaa luqadda maldahan“ Hartsz 4“ .
waa meel dadka ay shaqada ka dhamaato ay ka codsadaan lacagta loo yaqaano shaqo la,aanta
qiimaha lauugu soo diraayo bangiaada bil walba waxaa loogu talo galay nolo maalmeedkaada iyo dabooshi sida dharka cuntada gaari raaca korontada IWM
fadlan lacagtaada wax ka kydso waayo lacagtan ma aha loogu talo galay nolo baashaal kaliya waxaa loogu talo noloshaada ineey daboosho
waxaa jiro lacago dheerad oo l codsado xiliga qaboobaha oo dharka qaboowga lagu gato, iyo mid loogu talo galay markaad guri ku cusubtahay , gaariga caruurta lagu riixo ,lacagta iskuulka ilmaha marka loo kaxeeynayo safar dalxiis ah iyo waxyaabo noocaas ah
waxyaabahan marka aad codsanaysin waxa aad buuxin waraaqo badan oo kala duwan

ballamada joobsenterka

ballanta oogu horeeyso ee joobsenterka waxaa loo qeybiyaa labo , qof kuu qaabilsan xagga dhaqaalaha iyo mid kuu qaabilsan xagga shaqo raadinta dadkaas ayaad is baran doontaan

marka xigta waxaa lagula yeelan doonaa wareysiyo waxaad soo baratay iyo waxa aad shahaado haysato xirfadaha aad taqaano , haddii aad shahaadooyin wado waa in af jarmal lagi soo tarjumo lacagta lagu tarjumayo joobsenterka ayaa bixinayo , gadaal ayaad ka keeni kartaa shahaadooyinka iyo waxyaabaha aad soo baraty

inta badab ballamadan waxaad saxiixeysaa heshiis loo yaqaano heshiiska is dhamaystirka ama isdhaxgelka , waraaqadahaan waxaa ku qoran hadafka laga leeyhay waxyaabaha kugu waajibayo iyo waxa lagaa rabo . tusaale ahaan si aad wadankan nolol cusb ugu dhisto waxaa laguu diri doonaa 6 bilood oo koorso is dhaxgel ah oo luqada iyo nolosha wadanka lagu baranyo
haddii aad ka qeyb qaadan weydo ama tagi weyso casharadan waxaa lagaa goosan doonaa qeyb ka mid ah lacagaha lagu siiyo
marka koowaad waxaa lagaa goosanayaa 30% marka labaad waxaa lagaa goosanayaa 60 % , waxaa jiri karo cudur daar sida inaad xanuunsantahay oo aadan tagi karin , ama ilmo yar aad xanaaneyso markaas waa laguu dhaafayaa oo wax lacag ah lagaa goosan maayo,
koorsada is dhexgalka ayada waa sida aan soo xusnay oo kale , waa waajib inaad tagto , inaad cudur daar haysato ma ahane ama inaad xanaaneynayso ilmo yar iyo wixii la mid ah

marka oogu horeeyso dabcan ma lihid wax koonto bangi ah , waa inaad soo furataa markaad soo furatana waa inaad keentaa joobsenterka

koobi degenaashahaada ah waa inaad geysaa joobsenterka markii lagu siiyaba, marar badan ayaad aadi doontaa joobsenterka mar walbana xogtaada iyo dukumintigaada ayaad geyn doontaa .

xoogaa ka dib markaad joobsenterka wax ka dalbatay waxaa kuu soo dhici waraaq go,aan ah oa ah kii lacagta lagugu siinaayay waraaqdan waxaa ku yaalo waxa bil walba laguugu soo diraayo bangigaada , waraaqdan 6 bilood walba waa la cusbooneysiinayaa ama halkii sano mar , mar walba waa inaad sii codsataa inta aysan kaa dhicin waxyar ka hor

waxyaabahan soo socdo ayaa lagaaga baahanyahay joobsenterka usbuucyada xiga

  • Waraaqda dalabka dhaqaalaha oo buuxda friedland
  • Mid walba oo ka mid ah kuwaan (WEP, KI, EK, VM, KDU iy kuwii kale hadii loobaahdo)
  • Cadeyn caymiska caafimaadka
  • Waraaqda isdiiwaangelinta cadaynteeda
  • Kirad guriga waaqda cadaynaysa
  • Cadeynta inaad dalbatay degenaasho ama deganaanshaha ama baasaboor ama go,aankii aqbalaada qaxootinimada
  • Bangi koonto haddii aad leedahay
  • Taariikh nololeedkaad ama siifiigaada . iyo shahaadooyin
  • Caymsika bulshada ee caafimaadka ama sooshiyaalka
  • Cadeyn inaad dalbatay dhaqaalo hor dhac ah
  • Cadeyn dalab baahiyada iskuulka
  • Cadeyn dalab baabuurta caruurta lagu riixo ama la saaro

Wixi faahfaahin dheeraad ah
Kala xariir halkaan hoose 2021 ayada oo afjarmal ah

https://www.bundesregierung.de/breg-de/aktuelles/regelsaetze-steigen-1775798

halkaan hoose waxaad kal dagi kartaa barta internetka dalbaadyo badan kuwo aan ka soo hadalnay

https://www.arbeitsagentur.de/en/welcome

https://www.arbeitsagentur.de/ar/homepage

Ausfüllhilfe mit arabischen Hinweisen Ausfüllhinweise der Bundesagentur für Arbeit auf Arabisch
Bedarfe für Bildung und Teilhabe auf Arabisch Merkblatt mit Informationen zum Arbeitslosengeld II auf Arabisch Musterbescheid auf Arabisch Musterberechnungsbogen auf Arabisch Wohnsitzregelung: Rechte und Pflichte gegenüber dem Jobcenter

Sozialamt
(xarunta adeegga bulshada,sooshiyaal)

haddii aad xanuunqabto dartiis ama baahi gaar ah aaqabto , ama waayeelnimo aadan uga shaqayn karn wadankaan waxaad wax dalban kartaa sooshiyaalka . waxaa jirto xarun qaabilsan arrintaan , xarumaha kal ah joobsenterka ama sooshiyaalka . mida sooshiyaalka waxaa lagu magaacaabaa „Sozialhilfe“

fadlan la xariir xarumaha qaabilsan arrintan haddii aad xanuunsantahay ama aad qabto baahi gaar ah .
waxaa macquul ah in lagaagabaahdo inaad buuxusi faylal badan ka dibna sidaas dareteed aad caawimaad hesho

si aad u hesho caawimaad arrintan baahiyaha gaarha iyo xanuunka waxaad u baahantahay in la imaato waxyaabahan

  • Waraaqda dalabka codsiga
  • Aqoonsigaada ama cadaynta isdiiwaangelinta
  • Waraaqda cadeynta guriga
  • Cadeynta caymsika caafimaadka
  • Cadynta shaqo awoodid la,aanta joogtada ah
  • Nambarka koontadaad

6 . Familienkasse (xarunta adeegga qoyska)

Haddii aad ilmo leedahay waa inaad lacagta caruurta ka dalbato xarunta loo yaqaano familienkasse ama xarunta cawimaadda qoyska , caruurtaas waa da,da ilaa 25 sano kuwaasoo ku jiro marxaladah waxbarshad ee kala duwan iskuulka . midka xirfadda iyo tacliinta sare ,
haddii aad shaqaynayso oo aadan u baahneen sooshiyaalka iyo joobsenterka lacagtan caawimaadda ilmaha mar walba waa laguu soo dirayaa , haddii aad caawimaad qaadato mar walba waxaa la siku xisaabinyaa waxa ku soo galo markaas ayaa lacagta ilamaha iyo tan sooshiyalka ama joobsenterka la isku wada xisaabinayaa
waxyaabahn soo socdo ayaa lagaaga baahnayahay marka aad caawimaad ka dalbanayso joobsenterka

  • Cadaynta lacagta caruurta
  • Aqoonsiyada sida dhalashada ilmaha .cadaynta guurka oo waliaba tarjuman
  • Cadeynta deganaanshaha ama dalabka cadaynayo inaad dalbatay

faahfaahin dheeraad oo ku saabsan adeega loo yaqaano SGB2 waxaad ku arki doontaa tusmayaasha

7. bangiyada

Inta badan wadankan dhaqaalah waxaa la isugu soo diraa bank taasoo kaa caawinaaneyso adeegga maalinlaha ah .haddii aad rabto bank inaad furato waxaa jiro bangiyo badan noo kal duwan . waa inaad ka fiirsataa oo aad ka furataa kuwo kuugu dhaw oo aad tagi karto

Fadlan soo qaado aqiinsiga lagaag baahanyahay sida baasaboorka . wadnakaan kaliya waxaad bank fran kartaa marka aad aqqonsi haysato oo kaliya ama la yaqaano qofka aad tahay .

Si aad u furato bank waxaad u baahantahay dukumintiyada soo socdo

  • Baasaboor ama degnaansho ama cadayn inaad dalbatay deganaanshah
  • Warqadii qaabilaada qaxootinimadaada lagugu qaabilay ee BAMF
  • Cadeynta isdiiwaangelanita meesha aad degentahay

© UNHCR/Howard Davies

8. La talin ama talo siin (beratung)

Waad ku cusubtahay wadanka jarmalka waxaadna is weydiinaysaa su,aalo badan, si is daba joog ah waxaa su,aalahan kaaga jawaabayo shaqaalaha sooshiyaalka ama arrimaha bulshada ee rag iyo dumarba leh . waxaa kuu soo dhacayo boosto faro badan , oo aadan garanaynin wax ku qoran xafiisyada la talinta ayaa kuu sharaxayo waxa ay yihiin

Waxaa jiro ururo samo fal oo si lacag la,aan ah kuu caawinaayo . si waxaad rabto ay kaag jawaabaan ka dibna aad go,aan ka gaarto wixii kula haboon ee aad ku dhaqaai lahayd ,
waxaa jiro waxyaabo ay bixinayaan xafiisyada la taliyaasha kuwaasoo loogu talo galay dadka waa weyn iyo kuwa yar yarba ku kalsoonoow kana samayso ballan oo aad halkaas .

ururada qaarkood waxa ay leeyihiin turjumaano , laakiin nasiib darro mar walba lama helo tarjumaan, laakiin waxaad soo wadan kartaa tarjumaan qaraabadaada ama dadka aad is taqaanaan ah

la talintu mar walba waa mid ku dhisan kalsooni. Ma aha inaad cabsato , xogtaada lama sii gudbin doono .xogtaada waxaa la gudbin karaa markaad adiga ogolaato .

Xafiiska la talinta soo galootiga ee loo soo gaabiyo (MBE)

Magaalo walba oo weyn waxaa ku yaalo xafiiska latalinta ajaanibta ama soo galootiga waxaadna ka raadintaa barta internetka laakiin waa afjarmal waana sidan soo socoto

http://webgis.bamf.de/BAMF/control

sidoo kale ayada oo af carbi ah waxaad ka heli kartaan hadda

https://www.mbeon.de/ar/home/

Adeegyada dhalinyarada soo galootiga ah
(jugendmigrationdienst)

Dadka u dhaxeeyo da,da 12 ilaa 27 waxa ay leeyihiin la talin khaas ah taasoo lacag la,aan ah kuna dhisan kalsooni .
Meelahaas dhalinyarada waxaa laga taliyaa mawaadiic ku saabsan dhinaca xirfad barashada iyo tacliinta wadanka dhan waxaa ku yaalo xarumo lagala tali dhalinyarada
Mareegtan hoose waxaad ka heli kartaa meesha kuugu dhaw xafiiska la talinta dhalinta

sidoo kale ayada oo online ama si toos ah waxaad ka heli kartaa mareegtan hoose

https://www.your-way-in-germany.org/

https://www.bousaletuk-fi-almanya.org/

La talinta xagga aqoonsiga dukumintiyad

Haddii aad dooneysid shahaadooyinkii waxyaabihii aad soo baratay sida xifada ama dugsiyada sare waxaa jiro xafiisyo kaa caawinaayo
Mareegtan hoose waxaad ka heli kartaa waxyaabo ku saabsan qaabka aqoonsiga shahaadooyinka

https://www.anerkennung-in-deutschland.de/html/ar/

haddii aad english ku hadasho waxaad kala xariiri kartaa arrintan laanta qabootiga ee fadaraalka nambarkan +49 30 18151111 shaqaalaha qaabilsan arrintan ayaa caawindoono
warbixin dheeraad oo arrintan ku saabsan waxaad ka helaysaa ayada oo english ah mareegta hoose

https://www.netzwerk-iq.de/en/offers/service-for-immigrants

ayada oo carabi ahaa waxaad ka heli jaantuska ku jiro mareegtan hoose

https://www.nds-fluerat.org/wp-content/uploads/2018/11/Arabisch_Flyer_ohne_Schnittmarken.pdf

xanuunada nafta ku dhaco sida ku murugada ama isla hadalka walwalka

dadka la soo kulmay waxyaabaha murugada leh ama walwalka leh waxa ay wacan taleefan waxaa la yiraahdaa „seelFon Flüchtilinge“ waxaana ku tabarucay urur samofal oo caawiya dadka xanuunka xagga dhimirka ama maskaxda ah ama walwalka dareemaya la talinta xagga taleeanka ah waa maalmaha ,Isniinta Talaadad, Arbacada laga billaabo 10:00 ilaa1200 sidoo kale isla maalmahan 14:00 ilaa 15:00 galabnimo +49 228 71002425 luqadaha lagugu caawin doono waa english carabi iyo afka faransiiska

maraagtan hoose ka daalaco qoladan seelFon

https://www.bapk.de/fileadmin/user_files/bapk/projekte/seelefon_flyer.pdf

ugaar ah haweenka

haweenka la kulma dhibaatooyinka xag walba ha ahaatee ama cabsi ku jira . waxeey heli karaan talin xagga khadka waana lacag la,aan dadka idin la talinaya waxa ay ku hadlaan luqadda carabiga iyo luqado kale , haddii ay rabaan waxa ay wici karaan ayaga oo magacooda qarinay ama magac kale ayay sheegakaraan nambarkana waa sidan : +49 8000 116016

https://www.hilfetelefon.de/das-hilfetelefon/beratung/beratung-in-17-sprachen/englisch.html

Warbixin af carabi ah oo ku saabsan dadka waaweyn, haweenka iyo dhalinyarada ee wazaaradda qoyska ee federaalka
Caawin xagga taleefanka ah ee haweenka uurka leh Tel. 0800 40 40 020
Warbixin af carbi ah oo ku saabsan haweenka uurka leh halkaan ka dheeho

https://www.profamilia.de/fileadmin/publikationen/Erwachsene/mehrsprachig/Kurzinfo_Schwangerschaftsabbruch_Arabisch.pdf

warbixin af carabi ah oo ku saabsan sida la isaga ilaaliyo uurka halkan dheeho
ururka heer ferdaraal ee hooyada kaligeed ah ee ilmo koriska ah iyo aabaha kaligiis ah ee ilmo koriska
„Bundesverband der alleinerziehenden Mütter und Väter e.V.“ ayaa warbixin isku soo aruuriyay ku saabsan haweenka uurka leh , kala tagga , ama is furniinka isku waafaqidda ilmaha shaqada iyo qiimaha la talinta xagga sharciga iyo waxyaabo kale oo badan ayada oo af carabi ah ka dheeho jaantusyada ama waraaq Flyer auf Arabisch
Ma ku shaqaynkaraa xijaabka ama jalbaabka garbosaarta ? jawaabta kaga bogo ayada oo af carabi ah halkaan hoose

https://www.nds-fluerat.org/wp-content/uploads/2018/12/Arbeiten_mit_Kopftuch_Aktuell_Arabisch.pdf

LGBT

bogaan internetka https://www.queer-refugees.de/ar/ waxaa iska leh isku xirka haweenka is qaba iyo dumar is qaba ama dumarka is badalay iyo ragga is badalay , dad soo galootoga si toos ah ayaa lagu caawinaayaa waxaa la siinayaa macluumaad ku qoran sideed luqadood oo kala duwan carabigana ka midyahay

guurka ,kala tagga /furniinka

Guurka ama arooska wadnkaan Jarmalka waxaa loo baahanyahay dukumintiyo faro badan , sidaas daraadeed waxaad warbixinno dheeraad ah weydiin kartaa oo guurka ku saabsan ururka qoysaska kala jinsiyada ah ama dadka isla nool Haddii aad ku fikirayso ama aad rabtid kala tagna ururkaan kal xariir

Macluumaad dheeraad ah ka rogo aaladda internetka mareegta hoose

https://www.verband-binationaler.de/index.php?id=591

moowduucyo kale oo muhiim ah mustaqbalkaada jarmalka

9. caymiska caafimaadka iyo booqashada dhakhtarka

Sharciga xadeeyo ilaalinta caymiska caafimaadkaad waxaa loo yaqaanaa
„SGB V“. haddii aad wax kaalmo ah ka qaadato joobsenterka asaga ayaa kaa bixinaayo . waa inaad ogaataa caymiska waa inaad dalbataa oo codsataa isagama kaa bilaabanayo haddii aadan dalbanin.

Jarmalka waxaa jiro caymisyo faro badan oo caafimaad waa inaad mid ka mid ah ka doorataa . adiga ayaa go,aansanayo midka aad ka mid noqonayso weeyna ka duwanyihiin xagga qiimaha waxa ayna ku xirantahay hadba sida uu yahay dhaqaalahaada

Waraaqaha is diiwaangelinta waxaad kala dagi karaa bogga internetka waad buuxinaysaa ka dibna waxaad ku diraysaa boosto , sidoo kale internetka ayaad ka buuxbuuxin kartaa waa inaad sawirkaadan dirtaa ama aad raacisaa waraaqaha dalabka . kuwo qaarkood internetka ayaad u marin kartaa sawirkaad kuwo qaarna boosto ayaad ugu diri kartaa
Qoyska waxa ay dalban karaan halcaymis isku mid ah

Marka uu dhamaado ka shaqaynta codsigaa waxaa kuu soo baxayo kaar caafimaad uu ka muuqdo sawirkaada iyo macluumaadka oo eg sida kaarka bangiga oo kale markaad hesho kaarkaad ballan ayaad dhakhtarka ka qabsan kartaa waadna ku tagi kartaa

Booqashad dhakhtarka


Markaad u baahato dhakhtar waa inaad ballan qabsataa , isbitaalada waxa ay leeyihiin gaargaarka dagdag ah , yio xaaladaha dagdaga ah meesha lagu daaweeyo , waxa ka soo haray waxaad ballan ka qabsanaysaa dhakhaatiirta kuu dhaw
Hey,adda IOM waxeey idin siinaysaa faylal caafimaad ama waraaqo caafimaad oo idinka caawinaayo inaad dhakhtar ku booqataan , waxeey ka koobanyihiin gal buluug ah iyo baqshad , kuwaasoo la idin siin doono inta aadan imaanin wadanka jarmalka , waxaa lagu soo ridi bac cad ama sheey cad ka yimid xagga IOM haddii aad haysato, cadayn talaal fadlan u sii qaado xagga dhakhtarka marka aad booqanayso , ilmaha waxa ay leeyhinn baritaan guud oo waajib ah loona (U untersuchung) oo wakhti cayiman la sameeyo baaritaan walba . ilamaha yaryarka waxa ay aadayaan 9 baaritaan loona yaqaan (U-untersuchungen)
Baaritaanida natiijadooda waxa lagu qori doonaa laguna keydin doonaa buug leh gal jaalo ah sida sawirka idin kaga muuqdo

Dhakhtarka ayaa idin la socodsiinayo talaaka ilmaha ka hadda ah ama mid soo dhaafay oo hadda dib loo talaalayo

Caymiska caafimaadka ka hor waxaad helysaa waxa loo nambarka caymiska sooshiyaalka loona yaqaano jarmalka sozialversicherung nummer

Iyo nambarka caymiska gaboowga

Waraaqahaan waa muhiim oo meelo kale oo aad wax ka dalbanayso ayaa laggu xiri doonaa

Waxyaabahan soo socdo ayaa lagaaga baahanyahay marka aad iska qoraysid caymis caafimaad

  • Waraaqda codsiga ka mid noqoshada caymiska oo buuxdo haddii mid qoys tahay ayada oo uu buuxdo
  • Waraaqda is diiwaangelinta meesha aad degantahay
  • Koobiga degenashaaha ama wixii aad haysatay ka hor deganaansha, ama ku sugid haddii lagu siiyo, dhamaan qoyska oo dhan haddi aad tihiin qoys
  • Koobiga waraaqaha sida guurka iyo dhalashada , ayaga oo waliba tarjuman
  • Cadayn joobsenterka ah haddii aad caawimaad dhaqaalo qaadato SGB 2
  • Sawirro dhamaan dadka caymiska loo rabo

10 . koorsada luqadda /koorsada is dhexgalka (integrationkurs)

Haddii aad ku imaatay wadankan jarmalka barnaamijka UN-ta qaramada midoobay , waxaad xaq u leedahay inaad booqato ama hesho koorso luqadda ah ama loo yaqaano is dhexgalka „Integrationskurs“
Sharcigaan §44 I Nr. 2 AufenthG ayaa lagu sharciyeey
Markaad ka soo tagto friedland waxaa lagu siin doonaa waraaqo badan oo ku baqshad
Mid ka mid ah waraaqahaas waxeey ku saabsantahay xaqaada koorsada luqadda ama koorsad is dhexgalka ,
Taasoo aad ka bilaabeyso meesha laguu xawilo markii aad imaato ,
xaq u yeelashad waxaa laga soo saaraa BAMF laanta qaxootiga ee federaalka , hadii ay kaa lunto ayada ayaad mar kale ka codsan kartaa

koorsada adiga ayaa isa soo qoraayo waxaad iska soo qoraysaa iskuulada luqadda lagu barto , iskuulada bixiyo waxaad ka helaysaa linkiga hoos idin kaga muuqdo adoo dooranayo meesha aad ku nooshahay

https://www.bamf.de/EN/Service/ServiceCenter/BeratungVorOrt/Integrationskurse/integrationskurse-node.html

https://www.bamf.de/AR/Themen/Integration/ZugewanderteTeilnehmende/zugewanderteteilnehmende-node.html

waxaa kaloo laga yaabaa iskuulka inaad ka hesho caawimaad dheeraad ah oo ku saabsan xagga la talinta sida la talinta dhlinyarada iyo dadka waaweyn sida aan

ooga soo hadalnay qodobka 8 , waxaa laga yaabaa in ay buuxaan koorsooyinka oo aad sugto , xafiisyada la talinta ayaa kula socodsiin doono.
Is qoristu waa inaad hor dhigtaa cadaynta xaq u yeelashada , sidoo kale waxaa muhiim ah inaad hor dhigto is qorista xafiiska ajaanibta iyo joobsenterka . koorsad waa lacag la,aan, haddii aad joobsenter cawimaad ka qaadato waxaa ka codsanaysaa waraaqda qiimo dhaafidda , sidoo kale waxaad xaq u leedahay inaad codsato tikidka baska lagu raaco , haddii iskuulka uu kuu jrio 3 KM, sidoo kale codsiga iskuulka ayaa kuu soo saari karokoorsad is dhexgalka waxa ay ka koobantahay 700 oo cashar wax ayna kaa koobantahay luqada iyo koorsada barashada wadanka . halkaas waxaa ka maqan 600 oo cashar oo koorsada luqada ah

waxaa jiro koorsooyin kale oo khaas ah kuwaas marka la eego casharada tiradooda weey kala duwanaanaysaa , waxaa jro koorsooyinka dadka alifleeyda ah, kuwaasoo waxna aan akhrin karin waxna qoro karin (1000 cashar 300 oo dheeraad ahna waa macquul). Waxaa jiro koorso haweenka ah iyo kuwo waalidiinta caruurta hayata ah ya la socoto (xanaanaynta caruurtooda), koorso dagdag ah oo dadka qaangaarka ah. Xiliga is diiwaan geluinta waxaa jiro imtixaan tijaabo ah si loo fiiriyo heerka aad u qalanto,waxaa lagaa qaaday adoo wali waxba ka aqoonin luqadda jarmalka

Dhab ahaan waxaad rabtaa luqadda inaad si dhakhso ah ku barato , waxaa kugu waajibin doono inaad koorsadaan samayso hay,adda ajaanibta iyo joobsenterka , waajibkaas ku fuulay waxaa lagaala hadli xiliga laguu soo saarayo degenaanshah ama xiliga aad la kulmeyso joobsenterka .

Waajibaadkan weey kaa dhici karaan haddii ay sabab jirto sida inaad samaynayso xirfad barasho , ama xanuun uu jiro ama qof qoyskaada ka mid ah aad xanaanayneyso, qoysaska ilmaha y leh gadaal ayaa loogu dhigayaa koorsada, ilaa inta laga helayo ilmaha meel lagu xanaaneeyo.

Waxyaabahn soo socdo ayaa lagaag baahanyahay is diiwaangelinta koorsada

  • waraaqda cadaynta xaq u yeelashada /ama ku waajibinta
  • kaarka elektaroonika ah ee deganaashah
  • dalabka lacagta lagaaga bixinayo
  • codsiga gaari raaca
  • warbixin dhaqaalaha aad qaadato ah ( SGB II ama SGB XII )

11 iskuulka iyo xanaada caruurta

haddii aad caruur leedahay dabcan waxaad rabtaa si dhakhso ah in ay iskuul kuu aadaan, sidoo kale xanaanada caruurta, iskuulka waa inaad ka soo qortaa adiga ma aha mid iska toos isaga qormaya ama otomaatik ah

ilmaha ka yar 6 sano

ilmaha ka yar 6 sano waxa ay aadayaan xanaanada caruurta , halkaas ayaa laga soo qorayaa , ilmaha ilaa 3 sano waxaa lagu haynayaa xanaanada caruurta qaybta u sii khaas ah loona yaqaano (kinderkrippe) wakhtiyada ilmaha la haynayo xanaano walba tan kale weey ka duwantahay , 4 ilaa 8 ama ka badan waxeey ku xirantahay hadba adiga xanaanadii aad ka soo qorto .
waxaa laga yaabaa wakhti badan inaad sugtid xanaanada waayo boosaska weey yaryihiin , taas waxa ay ka jirtaa wadanka oo dhan boosaska waxaa la bixiyaa sand walba ilaa bisha agoosto , waxaa laga yaabaa sanad dhan inaad sugtid , sidaas darteed canugaada ka soo diiwaan geli meesha kuugu dhaw, magaalooyinka qaarkood waxaa laga bixiyaa meel xarun ah . meelaha qaarna toos ayaad ugu tagaysaa xanaanda foom ayaad soo buuxinaysaa, marka waxaa lagaa rabaa magaalada aad tagty inaad ogaato qaabka ay tahay, u raadinta boos canugaada waxaa kaa caawinaayo xafiiska la talinta ee magaaladaada, ama bogga internetka ee magaalo walba ayaad galaysaa oo aad ka fiirinaysaa , sida badan waalidka ayaa bixiyo lacagta xanaanada, gobolada qaarkood waa lacag la,aan sanadka ugu danbeeyo xanaanada, meelaha qaarkood ilaa 3 jir,
waraaqda is qoriddu waxaad ku arkaysaa qiimaha ilmaha lagu xanaaneeyo.
Haddii aad joobsenter ka hesho kaalmo , waxaad ka dalban kartaa qiimaha ineey ka damaaanad qaadaa hey,adda qaabilsan ilamaha ee loo yaqaan jugendamt, sidaas daraadeed qeyb ayay kaa bixinayaan ama weey kaa wada bixinayaan

Qiimaha canugga lagu xanaaneeyo sharciga ka yaalo gobolada weey kala duwanyihiin in qiimaha la wada dhaafo iyo in qey la bixiyo

Ilmaha laga bilaabo 6 sano

Si ka soo horjeeddo sharcigii xanaanada caruurta, iskuul aadida waa khasab marka ilmuhu gaaro 6 sano , waajibka iskuul aadida waxa uu dhacayaa ilmaha marka uu gaaro fasalka 9aadka ama sanadka 9aad ee iskuulka.
Ilmahada waa inaad iskuul ka soo diiwaan gelisaa . iskuulka wadankan jarmalka waxa uu bilaawdaa sand walba bisha 7aad julaay ama 8aad agoosto, ilmaha laga bilaabo 6 sano waxa uu booqanayaa dugsiga hoose kaasoo ah ilaa 4aad, marka uu dhamaado iskuulkaas waxa uu kugu xirayaa iskuul kale, qaabka laakiin weey kala duwanyihiin gobolada oo kuwaba qaab ayaga u gaar ah ayay iskuul kale kuugu xirayaan , waa inaad canugaada iskuul ka soo qortaa waxaa jiro foom lagu siinayo oo aad buuxinaysid , waa inaad ka ogaataa qaabka iyo sida hay,adaha ku dhaqada leh ee goobta aad degantahay.

Iskuulada dowladda waa lacag la,aan laakiin agabka iskuula waa inaad adiga gadaa, sidoo kale waxaad bixineysa qdada ilmaha lagu siiyo iskuulka, lacagta lagu kaxeeynayo marka loo wadayo safarada yaryarka ee dalxiiska ah . haddii aad ka tirsantahay joobsenter waxaad ka dalbanaysaa kaalmo, caawimaadaan waxaa loo yaqaanaa „Bildung- und Teilhabepaket“.warbixinteeda waxaad ka helaysaa joobsenterka,
ilmaha ka yimid wadanka dibadiisa ee aanan aqoonin luqadda jarmalka waxaa la siiyaa fasalo gaar ah oo luqadda jarmalka lagu baro waa kuwo fiican haddii canugaadu wadankii aad ka soo tagtay iyo wadanka imaanayay eey jiraan in ay ka khasaartay taxanihii waxarashada maamulka iskuulka ayaa go,aaminayo fasalka uu la qabsan kari ilamahaada iyo fasallad uu ku celinaayo isla markaana laga dhisayo luqadda jarmalka si uu famo maadooyinka

xanaanada caruurta kindgartankaiyo iskuulka si aad uga soo qorto ilmahaad waa inaad keentaa waxyaabahan soo socdo

  • Warqadda is diiwaan gelinta meesha aad degantahay
  • Degegnaasha/ ama aqoonsiga
  • Dhalashada oo tarjuman
  • Foomkii is qoridda
  • Shahaadooyin

© UNHCR/Gordon Welters

12 lacagta raadiyaha iyo muuqaalbaahiyaha

Wadanka jarmalka waxaa waajib ah bil walba inaad bixiso lacag taasoo ah tiifii iyo raadiyoow, qiimihu waa mid gurigiiba ah, guriga oo dhan waa hal lacag , haddii aad kaalmo qaado oo aadan shaqaynin waxaad helaysaa in lagaa dhaafo qiimah , waa inaad buuxisaa foom ka dibna cadeyn aad raacisaa ah inaad kaalmo ka qaadato joobsenterka am sooshiyaalka

Qiimo dhaafidu waxaad ku codsan kartaa qaar online ah ama toos ah mareegta hoose ayaad ku dhufanaysaa adoo isticmaalaya internetka

https://www.rundfunkbeitrag.de/welcome/index_ger.html

https://www.rundfunkbeitrag.de/welcome/arabisch/index_ger.html

waad soo daabacaysaa waad saxiixeysaa ka dibna waxaad ku diraysaa boosto haddii ay kuu soo dhacdo waraaq dheerayn ah lacagta kaalmada xagga sooshiyaalka ama joobsenterka waa inaad ka daba dirtaa

13 caymiska

Wadanka jarmalka waxaa jiro ceymisyo kala duwan tusaale ahaan waxaad geli kartaa ceymis ilkahaada ah ama guriga aad degantahay ayaad ceymis gelin kartaa ama ceymis xagga safarka ah .
Caymiska ugu muhiimsan waa midka caymiska mas.uuliyadda
Caymiskaan masuuliyadda waxa uu bixayaa waxyaabaha ama dhibaatada aad geysato adiga ama ilamahaada , tusaale ahaan canuggaada ayaa taleefan ka jabiyay saaxiibkiis , waxaad ogeysiinaysaa caymiskaa, waxa ay baarayaan sida ay wax u dhaceen ,ka dibna qiimihii caymiska ayaa bixinayo.

http://assets.vzbv.de/assets/videos/Haftpflichtversicherung_ara_UT.mp4

14 . heshiisyada /kontaraktiyada

Tusaale ahaan hadii aad rabto inaad gurigaad ku isticmasho internet ,ama kronto dalbato ama aad taleefan dalbato ama sheey kale oo elektaroonik ah waxaad galaysaa heshiis , adigaa ayaana saxiixaya shakhsiyan , fadlan ogoow xagga sharciyada dhaqaalaha lagaa qaadi doono inta aadan heshiiska gelin
Fadlan iska ilaali heshiisyada soconaya wakhtiga aad u dheer
Tusaale ahaan taleefan ayaad heshiis ku qaadatay 2 sano ah , waa inaad bil walba aad bixisaa 30 Euro 6 bilood ka dib waxaad awoodi weysay inaad bixiso 30 kii Euro sharcigii heshiiskana dib ugama bixi kartid, maxaa yeelay saxiix ayaa kaa yaalo inaad bixiso ah , deyn ayaa ku fuulayso waxaana lagaa rabaa inaad xal keento.
Hubaal waxaa ah markii aad wadankan imaato waxaad u baahan doontaa sim-kaar aad ku hadasho. Wadankan waxaa jiro shirkado badan oo adeeggan bixiyo, waxaad qaadan kartaa mid adiga aad wax ku shubanayso iyo mid heshiis wakhti dheer ah , waxaa jiro waxyaabo ay tahay inaad ka diktoonaato

Maa daama aadan luqadda si fiican u aqoonin waxaa laga yaabaa in lagu siiyo khad taleefan oo aadan rabin iyo heshiis aadan rabin, waxaa kaloo dhici karta inaad is fahmi weysaan adiga iyo qofka kale , waxaa laga yaabaa in lagu heshiis 24 bilood ah oo aadan ka bixi karin ilaa ay dhamaato mudadaas

Waxaa kaloo jiro simkaaro adiga aad ku shubanayso lacagta.
Halkan hoose waxaad ka heli kartaa muuqaal kaa caawinayo arrimahan

http://assets.vzbv.de/assets/videos/Handyvertrag_ara_UT.mp4

waxaa jirto cillad guud laga soo bilaabo 01.07.2017 waxaa la soo saaray sharci cusub oo ah marka simkaar qofku furanayo in shirkadda adeega bixinaysa ay hubiso xogta qofka isticmaalaya simkaarka , sidaas daraadeed waxaa lagu qorayaa baasaboorkaad iyo aqoonsigaada , marka ka hesho xafiiska ajaanibta baasaboor ama deganaasho waxaad tusaysaa dukaanka iibanayo ama waxaad ku tusaysaa si muuqaal ahaan ah, dukumintiyad qaar waaba la diidaa

15 . guri-raadin, guuris , iyo deganaasho

Halkee ayaan guri ka raadsadaa ama la ii igolyahy inaan dago?, waxaa lagugu soo qaaday barnaamijka dib u dajinta ee qaramad modoobay , ama midka banii aadamnimada laguna keenay freidland marka ugu horeeysa , ka dib ayaa dadka loo qaybiyay kala duwan eee wadanka . dowaldda jarmalka ayaa go,aansanaysa goobtii lagu geyn lahaa , mararka qaar waxaa qofka lagu raadiyaa meel ay deganyihiin dad qaraabadiisa ah, laakiin mararka qaar weey dhici weysaa, oo meel kale ayaa laguu xawilayaa , meesha lagu keeynayo waxaa ku lug leh ama ka war haynaya kumuunaha ama golaha deegaanka , waana meel si wad jir ah loo deganyahay, waxaa macquul inaad guri raadsato oo ay kaa bixiyaan joobsenterka

Haddii lagu geeyo gobol aadan rabin waa macquul inaad ka guurto ,laakiin waa inaad ogaataa deganaanshaha lagu siiyay waxaa in ku taalo inaadan ka guuri karin meesha lagu dajiyay ,gobolada sharciyadooda weey kala duwanyihiin qaar ayaa kugu waajibinayo inaad degenaato meesha lagu geeyay qaarna waa iska caadi Ausländerbehörde meesha la yiraahdo ee xarunta ajaanibta laga maamulo weeydii qaabka aad ku guuri karto , waxaad guuri kartaa marka uu kuu ogolaado xafiiska ajaanibta iyo wali joobsenterka waxrbixin arrimtaas ka dheeri ah hoos ka fiiri

Hadii aad kaalmo ka qaadato joobsenterka waxaad u baahantahay ogoloaasho jeebsenterka ah inaad guri kiraysan karto . guriga weynigiisa waxa ay ku xiranthay tirada qoyskaada inta uu la egyahay , joobsenterka ayaa go,aaminaayo qiimaha ugu sarreeya ee lagaa bixin karo, arrinkan gobalada waa ku kala duwanyihiin. Guriga markaad raadinayso waa inaad qiimaha weydiisaa joobsenterka, haddii aad hesho cid guri kaa kirayso ka soo qaado foomka buuxi ka dibna u geey joobsenterkaada inta aadan saxiixin

Ka dib waa inaad joobsenterka weydiisaa markaas in lacagta kirada toos loo shubayo in marka hore koontadaada lagu soo diraayo oo bangigaada laga goosanayo
Fadlan iska ilaali oo ogoow lacagta korontada inaad adiga bixinaysid.
Marka koowaad ee aad guriga degayso waxaa jirto lacag aad ku gadanayso alaabta guriga, waa inaad qortaa dhamaan alaabta aad u baahantahay iyo maacuunta ka dibna aad u dirtaa joobsenterka waxeey kuu sdiri doonaan lacag aad guriga ku camirato iyo mid aad wax ku karsato.

Sideen ku raadsadaa guri

Guri raadintu waa arrin u baahan dulqaad , magaalooyinka qaar inaad hesho guri kugu haboon waxeey u baahantahay wakhti dheer, waayo waxaa jiro dad badan oo guri raadinayo iyo guryihii oo yar, marka uu guri banaanaado dadka guryaha kireeyo waxeey soo dhigaan bartooda internetka meeshaas ayaad galinaysaa nambarka loo yaqaano posleitzahl ka dib ayaad guri ka raadsanaysaa
Linkiyada hoos ka muuqda waa guryaha laga raadsao

https://www.immobilienscout24.de/

https://www.ebay-kleinanzeigen.de/s-wohnung-mieten/c203

www.immonet.de

www.immowelt.de

www.ohne-Makler.net

Waxaa kaloo ayagana jiro kuwo lagu soo bandhigo jaraa idyada ama joornaalada
Waxaa kale macquul shirkad guryaha kirayso ama iska leh inaa iska diwaan galiso oo ay ku galiyaan dadka sugaayo guryaha , wakhti ayay qaadan kartaa weeyna kuu soo dirayaan marka uu guri ka banaanaado
Markii guri aad hesho ballan qabso oo iska soo fiiri in guriga uu ku cajabiyay iyo in kale
Waraaqha joobsenterka iyo aqoosigaad waa inaad wadataa

sidee ayaan magaalo kale ama gobol kale ugu guuri karaa

haddii aadan ku qanacsanay meesha aad degantaha oo aad rabto unaad ka guurto , waa inaad codstaa in lagaa waajibta ku qoran degeshahaada ee ah halkan kama ama nawaaxigan kama guuri kartid ,haddii ay tahay waajinta gobolka gudahiisa iyo banaankiisaba , xafiisyo kala duwan ayaa ku shaqo leh fadlanla xariir xafiiska la talinta in ay kaa la hadlaan hay,adda ajaanibta.
Guuritaan waxaa laguu ogolaan karaa oo kaliya markaad heysato sabab cad sida inaad haysato kunturaad shaqo ama heshiis shaqo (20 saac usbuucii)
Ama waxbarasho jaamcaddeed, ama mid xirfad , ama arrimo qoys, ama arrimo caafimaad.